Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee ay wadaan Guddiga Gurmadka ee Gobolka Gardafuu, wuxuuna sheegay inkastoo Dowladu ay dhowaaan ku dhawaaqi doonto si guud dhaqaalaha ay uga qeyb qaadan doonto Gurmadka Gobolka Gardafuu, hadana uu isagu si shakhsi ah gurmadka ugu yaboohayo $5,000
Lacag ururintan waxaa ka qeyb qaatay Hayádda kala duwan ee Dowladda, Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa ku yaboohay $54,000. Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland ayaa iyana ku yaboohay 20,000 Halka Shaqaalaha Madaxtooyada ee Dowladda Puntland ay ku yabooheen $10,000 dhammaan lacagahaasi ayeey ka bixin doonaan mushaharaadkooda.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, goloyaasha Dowladda, Guddiga Gurmadka ee Gobolka Gardafuu, Ganacsato, Culimo, Hogaan Dhaqan, Qurbojoog, Dhallinyaro iyo Haween.